Imisa Hat Trick (Sedexleey) ayuu Lionel Messi waayihiisa cayaareed dhaliyay?

0

Lionel Messi ayaa hadal heynta 5-ta horyaal ugu caansan la wareegay kadib markii sedexleey ama Hat Trick soo taabsiiyay shabaqa naadiga Espanyol.

Barcelona ayaa 5-0 ku xaaqday kooxda Espanyol waxaana saameynta garoonka qaatay Messi iyo sedexdiisa gool oo siweyn loo hadal haayo.

Messi waxay u ahayd markiisii 42-aad ee uu sedexleey dhaliyo waayihiisa cayaareed wadar ahaan Barcelona iyo Argentina inta uu u dhaliyay Hat Tricks.

Hadii lasii kala saaro Messi kooxda Barcelona wuxuu u dhaliyay 38-Hat Trick halka xulka Argentina uu xidigaan u dhaliyay 4-Hat Trick.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here