Home WARARKA XOG Cusub: Madaxweyne Farmaajo & RW Kheyre oo lakala saftay Musharaxiinta H/Shabelle...

XOG Cusub: Madaxweyne Farmaajo & RW Kheyre oo lakala saftay Musharaxiinta H/Shabelle & Sanbaloolshe oo…

1

Arrintan ayaa si cad u soo shaac baxday markii Muqdisho yimaadeen qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Hirshabeelle oo gacansaar la leh madaxda dowladda Federaalka.

Cabdi Faarax Laqanyo oo hore u soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa taageero ka heysta Taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo madaxtooyada, isagoo Muqdisho u yimid arrintaasi, si loo dejiyo qorshaha doorashada, wuxuuna isla maanta dib ugu laabtay Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa olole ugu jira inuusan xilka Madaxweynaha ku guuleysan Daahir Cabdulle oo jufo hoose ay isku yihiin si aanay taasi halis ugu noqon xilkiisa.

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo ah nin la sheegay inuu dhaqaale badan heysto ayaa taageero ka helaya Wasiiro ka tirsan Xukuumada Kheyre, iyadoo laga cabsi qabo inuu si lama filaan ah ku soo baxo.

Musharaxiinta ayaa Muqdisho u yimid qorshe lagu mideynayo oo midkii ugu bata ay taageeri doonaan inta kale. Musharaxa Maxamed Cabdi Waare oo hore ula tartamay madaxweynihii la riday ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa olole adag kula jira musharixiinta ay wadato dowladda Federaalka.

1 COMMENT

  1. Dowlada Federaalka yaa isweydiiya maxay doorasha walba u faragelisaa maamulada Galmudug iyo Hirshabeele halka Putland , Jubbaland iyo Konfur galbeed aay wali joogaan madaxweynayaashii loo magacaway xiligii sheeq Shariif. Waa siyaasad fog oo la doonaayo in degaanadaas aanu imaan shaqsi horimariya oo u sameeya shacabka goboladaas adeegyada aasaasiga ah sidii aay hore u saameysay waxqabad la aantii Cabdikariin Guleed iyo Cali Cosoble Galmudug Xaaf ayay indhaha ku hayaan hadana waxaa la sugayaa Hirshabeele koleey waxaa umaleynayaa in xildhibaanada Dowlad goboleedyada aay usii diyaar garoobayaan xilka qaadida kuwa dowlada caadeysatay la dagaalanka labada shacab ee dhibanayaasha ah inay dhiigooda cabaan. Illaa iyo xoriyadii markii lala soo noqday ilaa hadda waxaa aay ahayeen kuwa hogaan xumi saameysay oo la waxgarad ka dhiidhiya horumar la aanta baahan ee ka jira goboladaas oo aay ku hayso dowladii aay iyaga kaga fadhiyeen wax qabad waana ayaan daro in madax aay dowlada u dhisto degaanadaas hadana u heshiis la soo galo in Airpoort ports aanu u dhisin degaanada maxaa yeelay Galmudug waxaa loo gacmo qabanayaa Dekada Bosaaso. iyo Garoonka galkacyo. Hirshabeelna Kuwa dowlada aay maamusho ee dastuurka aanu waafaqsaneyn inay maamul u sameyso degaano. Degaan walba isaga ayaa ismaamul sameysan karo dowlada waa inay uun ka caawisaa. Balse faragelinta waa in laga dhiidhiyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here