WARGESYADA & XANTA KOOXAHA: Giroud, Hazard, Courtois, Coutinho, Sterling, Batshuayi Iyo Ciyaartooyda Kale Ee Suuqa Saaran Maanta Oo Axad Ah…

0

Olivier Giroud ayaa doonaya inuu amaah uga dhaqaaqo kooxda Arsenal si uu u helo boos uu ugu ciyaaro xulka France ee isku diyaaarinaya Koobka Adduunka. West Ham iyo Crystal Palace ayaa labadoodaba xiiseynaya 31 jirka weerarka ka ciyaara. (Sunday Mirror)

 

Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard, oo 26 jir ah, ayaa sheegay inuusan ku faraxsaneyn inuu ka tago kooxdiisa, ka dib markii lala xiriiriyay Real Madrid. (Onze Mondial, via Sun on Sunday)

 

Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab ah oo uu ku diido heshiiska cusub ee kooxdiisa, 25 jirkaan ayaa lala xiriirinayaa inuu ku laabanayo Spain. (VTM Stadion, via Evening Standard)

 

Raheem Sterling ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka tago England haddii uu ka dhaqaaqayo Manchester City, Arsenal ayaa dooneysa saxiixa 23 sanno jirka weerarka ka ciyaara xagaagan. (Mail on Sunday)

 

Kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho ayaa doonaya inuu hubiyo qorshaha uu ugu dhaqaaqayo Barcelona xagaaga soo aadan (Sunday Mirror)

 

Chelsea ayaa u ogolaan doonta weeraryahanka Michy Batshuayi, oo 24 sanno jir ah, inuu amaah ku baxo bisha Janaayo. (Sun on Sunday)

 

Goolhaye Joe Hart, oo 30 sanno jir ah, ayaan dooneyn inuu si amaah ah ugu sii ciyaaro West Ham. (Sunday Times )

 

Jack Wilshere ayaa kalsooni ku qaba inuu dib ugu laabto shaxda koowaad ee Arsenal, Kooxda ayaan weli dalab heshiis cusub ah siin ciyaaryahanka reer England (Sunday Telegraph)

 

Liverpool, Manchester United iyo Tottenham ayaa kula biiray Everton saxiixa daafaca dambeedka bidix ee Philipp Max oo 24 jir ah. (Mail on Sunday)

 

Everton iyo West Ham ayaa isha ku haya weeraryahanka Leicester City Josh Eppiah oo 19 jir ah. (ESPN)

 

Manchester United ayaa udhaqaaqday saxiixa Alex Sandro oo 26 jir ah, inkastoo Danny Rose oo 27 jir ah bartilmaaameed u yahay, (Independent)

 

Paris St-Germain ayaa u sheegtay Hatem Ben Arfa, oo 30 jir ah iyo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Lucas Moura, oo 25 jir ah, in ay ka fakiraan mustaqbalkooda bisha January. (ESPN)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here