Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Weyn Ee Manchester Derby & Dagaalka Jose V Pep

0

Manchester United ayaa marti gelin doonta kulankii 175aad ee derby Manchester caawa kooxda Manchester City oo 8 dhibcood kaga hogaamineysa horyaalka Premier League.

City ayaa safar gaaban ku tagi doonta Old Trafford ka dib markii guuldaradoodii ugu horeysay  xilli ciyaareedkaan kasoo gaartay kooxda Shakhtar Donetsk.

Kooxda Pep Guardiola ayaa kusoo bilaaban doonta kulanka caawa, iyadoo heysata rikoor 13 kulan oo isku xiga horyaalka oo aan laga badin.

OGEYSIISKA CIYARATA

GAROONKA: Old Trafford

 

SAACADA: 7: 30 PM (FIIDNIMO)

 

MAXAA CUSUB?

Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Zlatan Ibrahimovic uu ciyaari doono kulankaan ka dib markii uu seegay kulankii Talaadadii ee CSKA Moscow si uu nasiino fiican u helo.

 

Phil Jones iyo Nemanja Matic ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay taam noqdaan, halka Marouane Fellaini uu tijaabo caafimaaad oo waqti dambe ah mari doono.

 

Si kastaba ha ahaatee, Eric Bailly iyo Michael Carrick ayaa weli dhaawac ku maqan, iyadoo Paul Pogba uu ganaax ku seegayo ciyaarta Manchester Derby.

 

Guardiola ayaa xaqiijiyay in David Silva uu taam u yahay inuu kusoo bilowdo kulankaan ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawac yar, laakiin Kompany ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu soo gaaray dhaawac yar.

 

Fabian Delph ayaa sidoo kale la kulmi doona baaritaan xili dambe ah ka dib markii uu xanuun dareemay kulankii ugu dmabeeyay, iyadoo Danilo ay ubadan tahay inuu bedelo ciyaaryahanka reer England.

 

XAQIIQADA KULANKA

Kulanka caawa ayaa noqon doona kii 175aad ee u dhaxeeya labada kooxood ee isku magaalada ah, iyadoo United ay 72 jeer badisay marka la barbardhigo 50 kulan oo ay guuleysatay kooxda City.

 

Intii u dhexeysay 2012 iyo 2014, City ayaa ku riyaaqday guulo waa weyn oo ay ka heleen United, laakiin United ayaa seddex guul iyo labo barbaro heshay kulamadii ugu dambeyay.

 

Ka dib markii laga badiyay afar kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Manchester City, Manchester United ayaa qasaartay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeyay oo ay ka horyimaadaann Manchester City.

 

SAFAFKA MACQQUULKA AH

Manchester United: De Gea; Lindelof, Smalling, Rojo; Valencia, Matic, Herrera, Young; Lingard, Rashford, Lukaku

 

Manchester City:Ederson; Danilo, Otamendi, Mangala; Walker, Fernandinho, D.Silva, De Bruyne, Sane; Sterling; Aguero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here