Xiddiga Lala Xiriirinayo Real Madrid Eden Hazard Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Uu Xirfadiisa Kusoo Gabagabeyn Doono…

0

Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu kusoo gabagabeeyo xirfadiisa ciyaareed kooxda Blues ee ka dhisan magaalada London.

 

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa muujiyay jaceylka uu u qabo ku guuleysiga tartanka Champions League, isagoo sheegay inuusan ku faraxsaneyn ka tagista kooxda Chelsea.

 

26 jirkaan ayaa mar kale waxaa aad loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid, laakiin wuxuu tilmaamay inuu weli ku farasan yahay nolosha Stamford Bridge.

 

Haatan xilli ciyaareedkiisii lixaad ayuu Chelsea la qadanayaa Hazard oo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu fiicnaa adduunka, inkastoo kaalinta 19aad uu ka galay liiska kala sareynta abaalmarinta Ballon d’Or.

 

Isagoo la hadlay majaladda Faransiiska ee Onze Mondial, xiddigii hore ee Lille ayaa yiri: “Ma sahlana inaan ku guuleysano Champions League, Waxaa laga yaabaa inaan marnaba ku guuleysan, Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan sameeyo taariikh lamid ah Didier Drogba oo ka tagay halkaan ka dib markii uu ku guuleystay Champions League.

 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgian ayaa bartilmaameed xoogan u ah kooxda Real Madrid oo laga yaabo in ay dalab ka gudbiso bisha Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here