Juventus oo isku diyaarineysa iney lacag kaasha ah u quurto Emre Can suuqa January halkii ay kadib koobka Aduunka sugi laheyd….

0

Juventus aya diyaar u ah iney bixiso lacag kaash ah si ay bisha January u hesho adeegga xidiga Liverpool Emre Can sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya wadanka talyaaniga.

 

Bianconerri muddo badan ayaa lala xiriirinayaa xidigaan reer Jarmal kaas oo diiday inuu saxiixo heshiis cusub si uu Anfield usii joogo, sidoo kalana waxaa xusid mudan in heshiiska uu kula jiro kooxdiisa uu dhacayo bartamaha sanadka soo aadan.

 

Wargeyska Tuttospoprt ayaa shaaca ka qaaday in Bayern Munich iyo Manhcester City ay kusoo biireen xiisaha xidigaan, sidaas darteedna ay ku qasban yahiin iney lacag kaash ah ka bixiyaan si ay adeegiisa u helaan madama uu qudhiisa doonayo horyaalka talyaaniga.

 

Dhanka kale Liverpool durba waxey kasii fakartay xidiga ay ku badali laheyd iyadoo u dhaqaaqi doonta xidiga Schalke 04 Leon Goretzka kaas oo isna xor noqon doona bartamaha sanadka soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here