Mohamed Elneny oo si aan caadi aheyn ugu camirtay saaxiibkiisa Alexis Sanchez isagoo soo hadal qaadaya xidigaha Arsenal ee aadaya K/ Aduunka 2018…

0

Kubad sameeyaha Arsenal Mohamed Elneny ayaa si aan caadi aheyn ugu camirtay Alexis Sanchez isagoo soo hadal qaadaya xidigaha Gunners ee ka qeyb galaya koobka Aduunka 2018 ka dhici doona Russia.

Sanchez iyo xidigaha qaranka Chile kama qeyb ahan koobka Aduunka madama la reebay, balse Elneny oo saaxiibkiis xasuusinaya inuusan tagi doonin cariga qabow ee Russia ayaa twitter-ka soo dhigay fariin qosol leh.

“Yaa ila tagaya Russia – Koscielny, Giroud, Lacazette, Mustafi, Ozil, Belerin, Monreal – waan ka xumahay Sanchez boos kaagama banaana” ayuu soo qoray Elneny oo soo raaciyay facelin qosol ah.

Kaftanka Elneny ayaa kuso aadaya xilli la tuhunsan yahay in Sanchez iyo qaar ka mid ah xidigaha Gunners ay isku dhacsan yahiin sida la dareemay kulankii Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here