Sababta uu Zlatan Ibrahimovic uga maqnaa kulankii Southampton oo la ogaaday & mudada uu garoomada seegi doono…

0

Tababare Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahankiisa reer Sweden Zlatan Ibrahimovic uu garoomada ka maqnaan doono muddo hal bil ah kadib barbarahii ay kooxdisa la gashay dhigeeda Southampton.

 

Red Devils ayaa kulankii sadexaad oo xiriir ah barbaro gashay kulamada horyaalka Premier League, wxaeyna taas dhaxalsiisay iney kaalinta 3-aad usoo dhacaan isla markaana ay 2017 ku dhameystaan meel 14-dhibcood u jirta Man City oo kulan gacanta ku heysata.

Zlatan wuxuu dhawaan kasoo laabtay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray  jilibka April 2017, mana aheyn mid joogto ugu ciyaara kooxda, balse haatan macalinka reer Portugal ayaa iftiimiyay dhibta heysata.

 

Dhanka kale Lukaku ayaa isna dhaawac ka ah kooxda Red Devils inkastoo aan wali la ogeyn inta uu garoomada ka maqnaan doono.

 

Zlatan Ibrahimovic wuxuu seegi doonaa kulamada Everton, Derby County, Stoke City, Burnley iyo Tottenham Hotspur

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here