HORDHAC: Burnley v Liverpool – Mo Salah Oo Shaki Laga Qabo Kulanka Ugu Horeeya Reds Sannadka Cusub Ee 2018…

0

Mohamed Salah ayaa shaki uu ku jiraa inuu la safri doono kooxda Liverpool ee Turf Moor kula ciyaareysa kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

 

Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Liverpool ayaa dhaawac looga saaray kulankii Sabtidii kooxdiisa 2-1 kaga badiyeen Leicester ka dib markii uu dhaliyay labadii goo lee guusha.

 

Tababare Jurgen Klopp ayaa qiray inuu qiimeyn doono taam ahaanshaha ciyaaryahanka Masar hor kulankaan xiisaha badan ee caawa.

 

“Ma ogi xilligan xaadirka ah sida ay tahay xaaladiisa, laakiin waxaan sugi dooona ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya ayuu yiri Klopp.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Turf Moor

 

SAACADA: 6:00 PM

 

MAXAA CUSUB?

Inkastoo Salah laga yaabo inuu maqnaado, Simon Mignolet ayaa kusoo laaban doona safka Liverpool ee booqanaya caawa Turf Moor.

 

Daafaca Alberto Moreno ayaa laga yaabaa inuu taam u noqdo kulanka Jimcaha ee Merseyside derby ee FA Cup, laakiin saxiixa cusub ee Virgil van Dijk oo aan loo diiwan gelin kulankaan ayaa markale maqnaanaya.

 

Daafaca Burnley James Tarkowski ayaa kasoo laabtay ganaax, kadib markii uu seegay seddex kulan oo ay ciyaartay kooxdiisa Clarets.

 

Kevin Long iyo Ben Mee oo ka ciyaara daafaca ayaa diyaar u ah in ay markale safka koowaad ee kooxda Burnley.

 

Daafaca dambeedka bidix ee Stephen Ward iyo ninka jilibka ka dhawacan ee Chris Wood ayaa weli shaki laga qabaa taam ahaanshahooda, halka Robbie Brady iyo Tom Heaton muddo dheer maqan yihiin.

 

XAQIIQADA KULANKA

Burnley ayaa ku badiyay 2-0 xilli ciyaareedkii hore markii ay labada koox kulmeen,laakiin ma aysan garaacin Liverpool laba kulan oo xiriir ah tan iyo March 1967.

 

Burnley ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay maalinta sanadka cusub, iyadoo dhalisay 19 gool.

 

Liverpool ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen 1da Janaayo.

 

Kooxda Clarets ayaa seddex gool looga dhaliyay gurigooda kulankii ugu danbeeyay Premier League oo ay la ciyaareen Spurs, waana markii ugu horeysay sagaalkii kulan kadib Turf Moor goolashaas looga dhaliyo xilli ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here