Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Awooda Cusub Ee Jack Wilshere? Miyuuse Heshiis Cusub Ka Saxiixayaa?

0

Arsene Wenger ayaa qiray inuu qadarin weyn u hayo Jack Wilshere ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu kusoo laabtay qaab ciyaareedkiisa ugu sarreeyay kooxda Arsenal.

 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qeybtii hore ee xilli ciyaareedka dhibtooday, laakiin waxa uu sameeyay soo kabasho deg deg ah kadib markii uu dhaawacmay Aron Ramsey.

 

Wilshere oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda Bournemouth, ayaa haatan ku qasbaya maamulka Gunners in ay heshiis cusub ka saxiixaan.

 

Wenger ayaan weli si rasmi ah u soo bandhigin qorshaha heshiiska cusub ee 25 jirkaan kula sii joogayo kooxda ka dhisan Emirates Stadium, laakiin tababaraha reer Farance ayaa ku faraxsan awooda uu lasoo baxay Wilshere.

 

“kuuma sheegayo hadda waxa uu isaga soo maray , haatan waa xiddig leh awood sarre,” ayuu u sheegay wariyaasha markii wax laga weydiiyay xaalada Jack Wilshere.

 

Jack Wilshere oo loo arkayay mid kamid ah xiddigaha ugu saameynta badan kooxda Arsenal waxaa dib u dhigay xirfadiisa dhaawacyo joogta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here