Dowladda Farmaajo oo ka farxisay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah & C/raxmaan C/shakuur oo cafis loo fidiyay…

0

C/casiis Cali ibraahim ” Xildhibaan” oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afayeenka Wasaaradda Amniga in  mas’uuliyiinta amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgartayn in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda,hadii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.

 

Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda.

 

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma aysan cadeynin cidda ay cafiska u sameyn doonaan ee qal qal giliyay Siyaasadda Soomaaliya, balse hadalkaan ayaa u muuqda mid ku socda Siyaasiinta Soomaaliya ee mucaaradka ah, gaar ahaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa jira Siyaasiyiin isugu jiray kuwo xilka iyo kuwo horay u soo qabtay oo mucaarad ku ah Dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo,kuwaasoo dhaliilsan sida hogaanka dalka ay wax u wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here