Goobihii Ganacsiga iyo Waxbarashada Bosaaso oo albaabada loo laabay & Wafdiga MD Farmaajo oo ku dhow…

0

Madaxweynaha Soomaaliya oo saacado ka hor gaaray deegaanka carmo ayaa hadda la sheegayaa inuu uga sii ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari halkaasi oo uu ku dhow yahay.

 

Safarka madaxweynaha JFS ee Carmo aya ah mid dhanka lugta ah waxaana ku wehlinaya madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland.

 

Waxaana halkaas Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Dadyow aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan, kuwaasi oo ku faraxsan soo gaaristooda madaxweynaha JFS.

 

MD Farmaajo Ayaa Kaga Mahad Celiyay Soo Dhaweynta Wanaagsan ee dadka deegaanka ay usmeeyeen iyo nabad jeclidooda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaankaasi.

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana shacab badan ay taagan yihiin hareeraha wadooyinka iyagoo caleemo qoyan ruxaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here