XOG; Dowladda oo heshay xogta halka laga soo abaabulo Qaraxyada & dilalka Qorsheyn ee ka dhaca Muqdisho…

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogaatay halka laga soo abaabulo weerarada Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarrada ka dhaca magaalada laga abaabulo isla magaalada gudaheeda.

 

Waxaa uu Afhayeenku sheegay in Ciidamada amaanka ay ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa arrintaas,waxaana uu dadweynaha Muqdisho ka codsaday in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay jirto wadashaqeyn la’aan u dhaxeysa Ciidamada iyo shacanka taasna ay sabab u tahay amni darrada waxaana uu ku baaqay in shacabka iyo Ciidamada amaanka ay wada shaqeeyaan.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Ciidamada amaanka ay kordhin doonaan Koontaroollada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Waddada Maka AL-Mukarrama oo uu sheegay in Ciidamo dheeraad ah la dhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here