XOG CUSUB: Wasiir Ka Tirsan DFS Oo Is Casilaya (Waa Wasiirkee?)

0

Xog hoose oo ay heshay Shabakada Wararka Xoghoose.com ayaa sheegeysa in wasiir ka tirsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre is casili doono maalmaha soo aadan.

Ilo wareedyo ku dhow wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa inoo sheegay in wasiirka uu doonayo in shaqadaasi iska casilo.

Sababta wasiirka isku casilayo ayaa naloogu sheegay iney tahay markii uu ogaaday in shaqsiga xiga ee Kheyre shaqada ka eryi doono inuu isaga yahay.

 

Islow ayaa laga yaabaa inuu is casilo marka la magacabo taliyeyaasha Booliiska iyo NISA, waxaana laga yaabaa in is casilaaddiisa kasoo hormarto magacaabistooda.

 

Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr wasiir shaqada ka ceyriyey muddo Sanad gudahooda ah, kadib markii uu ku eedeeyay shaqo xumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here