XOG: Xaaf oo Ku Wajahan Degmada Dhuusamareeb…

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sida la sheegay wuxuu ku wajahan yahay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan madaxtooyada Cadaado ayaa inoo sheegay in hadda la diyaarinayo safarka Xaaf ee Dhuusamareb, wuxuuna halkaasi kusoo dhoweyn doona madaxweyne Farmajo oo degmadaasi ku wajahan.

 

Xaaf maadaama uu yahay madaxweynaha Galmudug waxaa qasab ah inuu tago Dhuusamareeb, si socdaalka madaxweyne Farmajo u agaasimo.

 

Sidoo kale markii madaxweyne Farmaajo halkaasi tago waxaa la dhameytiri doona heshiiskii yaraa ee dhimanaa, kaasi oo ka dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-sunna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here