DHAGEYSO” Safarka madaxweyne Farmaajo wuxuu micno sameyn lahaa haddii uu ka degi lahaa Hargeysa”

0

Aqoonyahan Xassan FIyooke Cali oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkii madaxweyne Farmaajo ee magaalada Garowe aanu ahayn mid micno sidaa u buuran sameynaya.

Wuxuu sheegay in uu Garowe horey u booqday islamarkaana aanu jirin farqi weyn oo u dhaxeeya isaga iyo Gaas marka laga reebo arrimaha carabta ee ay isku khilaafsan yihiin, laakin arrinta muhimka ah ay ahayd inuu booqdo magaalada Hargeysa oo ah caasimadda labaad ee Soomaaliya.

 

Aqoonyahan Xasan Fiyooke Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay  in booqashadaas ay micno weyn u sameyn lahayd laakin middan Garowe ay iska tahay uun hab dhaqankii iyo shaqa maalmeedkii madaxda dowladda lagu yaqiinay.

 

Sidoo kale aqoonyahanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka Itoobiya ee Garowe uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee madaxweynaha kusoo dhaweeyay magaalada Garowe.

Dhanka kale,Aqoonyahano kale oo Soomaaliyeed ayaa qaba aragti ah in socdaalka madaxweyne Farmaajo uu ku marayo deegaanada Puntland iyo Galmudug ay tahay mid saadaalineysa Nabad,islamarkaana meesha ka saareysa khilaafyo horay u jiray.

 

Shacab aad u far badan ayaa isugu soo baxay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo,taasoo muujisay midnimada iyo u heelanaanta nabada waarta shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here