MD Farmaajo oo xildhibaano iyo wasiir deg deg Oga yeeray Muqdisho iyo xasarad siyaasadeed Cadaado kajirta…

0

Warar hoose oo aan heleyno ayaa shegaayo in madaxweyne Farmaajo si deg deg ah ugu yeeray qaar katirsan xildhibaanada labada gole oo kasoo jeedo degaanada Galmudug kadib markii lasheegay in xasarad siyaasadeed kadareemay beesha degto magaalada Cadaado.

Maalin kahor ayee ahayd dibadbaxyo aad u xoogan oo looga soo horjeydo imaatinka madaxweynaha soomaaliya degaanada Galmudug gaar ahaan magaalada cadaado ayaa lashegayaa in sababtay in xildhibaanadaas iyo wasiiru dowle looga waco magaalada muqdisho si u dajiyaan xasaradaas siyaasadeed.

Magaalada Cadaado oo ah xarunta xiligaan ku shaqeyso galmudug ayaa saameyn xoogan kuleh xildhibaanada kasoo jeedo oo haatan u badan mucaaradka dowlada madaama kamidyihiin hogaanada sare ee xisbiyada Damul-jadiid iyo Daljir.

 

Lama oga sida xaalka isku badali doono inkastoo lashegaayo xildhibaanada haatan gaaray magaladaas saameyn xoogan kudhex lahayn beesha degto magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here