Ganacsade Cumar Cabdikarim oo Ka badbaaday iskuday La doonayay in lagu dilo Magaalada Muqdisho..

0
171

Ganacsade Cumar Cabdikarim Maxamed oo ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Muqdisho ayaa werar gaadmo ah lagu qaaday gaarigiisa oo marayay nawaaxiga dagmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Werarka lagu qaaday gaariga ganacsadaha ayaa waxaa ku geeriyooday Walaalkiis Maxamed cabdikariin Maxamed o xiligaas ku wadagay gaariga qoyska Ganacsade Cumar cabdikariin maxamed waxana xiliga laweraraayay gaariga ayaa qorshaha waxa uu ahaa in la dilo ganacsade cumar Cabdi kariin maxamed oo xiligaas asiga ka badbaaday madaama uusan gaariga saarneyn xiliga la werarayay gaarigiisa, si rasmi ah looma oga sababta ka danbeyso

werarka Ganacsadae Cumar Cabdikarim Maxamed balse waxa uu madax ka ahaa qeybta iibka ee shirkada Firdowse industries LTD ee samaysa haamank biyaha ee plastiga ah ama caagadaha waxana ay ku taalaa Degmada Waabari dhabrka dambe ee buulo tikniko.

Ganacsade cumar cabdikariin oo warbaahinta lahaday werarka kadib ayaa Warbaahinta u sheegay in uu hanjabaad xoogan kala kulmi jiray Ururka Al shabab ee ka dagaalamo soomaaliya intadan werarada noocaan ah ayaa waxaa fuliyo ururka Al shabaab kuwaas oo maamulo qeybo kamid ah Dhulka Soomaaliya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here