Hazard oo ka hadlay mustaqbalkiisa Chelsea

0

Eden Hazard ayaa caddeeyey inuu si weyn ugu faraxsan yahay kooxdiisa Chelsea, laakiin wuxuu diiday inuu gabi ahaanba meesha ka saaro ku biirista kooxda Real Madrid mustaqbalka dhow.

 

27 sanno jirkaan heerka caalami ee dalka Belgium Eden Hazard ayaa wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda ugu wanaagsan Yurub tan iyo markii ay Chelsea kasoo iibsatay kooxda Lille sannadkii 2012kii.

 

Si kastaba ha ahaatee, Hazard ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa kooxda Los Blancos.

Real Madrid oo qorsheyneysa inay markale weerarkeeda xoojiso xagaaga soo aadan, ishana ku heysa inay lasoo wareegto qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu magaca weyn Yurub ayaana lala xiriirinayaa inay Hazard keeni doonto garoonkeeda Santiago Bernabeu Stadium.

 

Isagoo ka hadlayey wararka xanta ah ee sheegaya inuu ku biirayo Real Madrid, Hazard ayaa u sheegay majaladda Marca ee dalka Spain: “Marka laga hadlayo kubadda cagta marnaba ma garan kartid waxa dhici doona.

 

“Haddase waxaan ku faraxsanahay Chelsea, waxaana sii ahaan doonaa ciyaaryahan intii karaankiisa ah caawiya kooxdiisa”.

 

Tababare Zinedine Zidane oo haatan maamula Real Madrid ayaa taageere weyn u ah Hazard, balse macalinka Los Blancos waa ciyaaryahanka uu ku daydo Hazard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here