Alexis Sanchez oo ka dhawaajiyay sababta rasmiga ah ee uu Manchester United kaga doortay kooxaha kale.

0

Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa doonaya inuu wax walba kula guuleysto kooxdiisa cusub sidoo kalana wuxuu shaaca ka qaaday in tan iyo waqtigiisii caruurnimada uu jeclaa kooxdaan.

 

Xidigaan reer Chile ayaa soo afjaray sadex sano iyo bar oo uu ku sugnaa kooxda Gunners isagoo heshiis kala badalasho ah oo dhinaca kale u dirtay Mkhitaryan ku yimid garoonka Old Trafford.

 

Sadex kulan ayuu kooxdiisa kasoo muquday tan iyo markii soo caga dhigtay, laba guul iyo hal guuldaro ayuuna la kulmay isagoo kulankiisii ugu dambeeyay gool ka dhaliyay Huddersfield Town.

 

“Waxaan ka fakarayay Manchester United tan iyo markaan yaraa, kaliya ma dhahayo tan sababtoo ah waan joogaa, waxaan ahay qof daacad ah, waligey been ma sheegin, waxaan maleynayaa iney tahay kooxda uu weyn England, waana waxa aan ku fakaray” ayuu yiri Alexis oo la hadlayay.

 

“Waxaa jira kooxo badan, waxaan usoo ciyaaray Arsenal, waana mid ka mid ah, waa koox weyn, inaan halkaan imaado oo aa eego calaamadda kooxda, waxaan u maleynayaa iney Red Devils wax walba ku guuleysatay sababtoo ah waa sida kooxaha waaweyn calaamadda kooxda ayaana wax walba sheegeysa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here