Eden Hazard oo ku kaftamay Lionel Messi inuu aduunyo kale ka yimid – muxuuse ka yiri kulanka labada kooxood?

0

Ciyaariyahanka Chelsea Eden Hazard ayaa ku kaftamay in Lionel Messi uu aduunyo kale ka yimid, balse kulanka labada kooxood u dhaxeeya uu yahay mid ku xiran sida ay labada kooxood uga falceliyaan.

 

Messi wuxuu ku raaxeysanayaa waqti aan caadi aheyn xilli ciyaareedkaan, 20-gool ayuu dhaliyay kulamada La Liga isaogo ah shaqsiga ugu sareeya sidoo kalana kooxdiisa wuxuu u sahlay iney 9-dhibcood ka sareyso kooxda kaalinta labaad.

 

Barcelona waxey bishaan February iyo Maarso laba lug la ciyaari doontaa Chelsea oo ay dhawr jeer oo hore isku arkeen tartakaan, Hazard ayaana aaminsan iney kaalintooda qaadan doonaan.

 

“Waad garaneysaa, waxey heystaan xidig aduunyo kale ka yimid” ayuu Eden u sheegay Marca. “Waa mid ka duwan, waa mid aan caadi aheyn, balse arinta maahan wax ku xiran hal xidig waa koox ahaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here