Manchester City oo ugu yaraan la heshiisay xidiga reer Brazil FRED & qiimaha uu Etihad ku imaanayo oo la ogaaday.

0

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa iney lasoo saxiixan doonto xagaaga soo aadan xidiga khadka dhexe Shakhtar Donetsk Fred, warbixinada ayaana sheegaya iney labada dhinac ku heshiyeen aduun dhan 44.5 Malyan oo Pound.

 

Intii lagu jiray bishii January ayaa si fiican xidigaan loola xiriirinayay kooxda Citizens balse wey la kulmi weysay rabitaankiisa, taasoo keentay inuu go’aansado sii joogista kooxdiisa reer Ukraine.

 

Tababarahii hore Shaktar Donetsk Mircea Lucescu ayaa shaaca ka qaaday in xidigaan uu ku biiri doono Citizens kana mid noqon doono ciidanka Pep Guardiola xilli ciyaareedka soo aadan.

 

Shabakadda Goal ayaa shaaca ka qaadeysa in labada dhinac ay ka heshiiyeen qiimaha xidigaan wuxuuna England ku imaan doonaa 44.5 Malyan oo Pound

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here