Real Madrid oo xasuuqday Real Sociedad, CR7 oo sadexley dhaliyay & Los Blancos oo wadadii guulaha kusoo laabatay…

0

Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guulaha kadib markii ay Bernabeu ku xasuuqeen Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna ku awood sheegteen 5-2.

 

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliya sadexley wuxuuna dib ugu soo laabtay hanaankiisii goolasha isagoo haatan 11-gool maraya, waxeyna tani ka dhigan tahay inuu kaliya 9-gool ka hooseeyo Lionel Messi oo habeen dambe ay kooxdiisa la ciyaareyso Barcelona.

 

Real Madrid qeybta hore kulanka ayey dhalisay afar gool oo ay kala dhaliyeen Lucas Vazqeuz, Ronaldo & Toni Kroos, balse markii la isku soo laabtay xidiga reer Portugal ayaa dhameystiray sadexley.

 

Guushaan waxey ka dhigan tahay in Madrid ay 16-dhibcood u jirto hogaanka horyaalka La Liga inkastoo kulan Leganes uu meel u yaalo, sidoo kalana Barca ay Getafe la balasan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here