Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay kulanka Champions League Ee PSG, Bandhiga Kooxdiisa & Awooda Cr 7

0

Zinedine Zidane ayaa sheegay in Real Madrid ay diyaar u tahay kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Paris St Germain ka dib markii ay 5-2 kaga badiyeen Real Sociedad.

 

Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ee PSG ayaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League Arbacada booqaneysa Santiago Barnabeu, ka hor inta aysan u safrin Madrid caasimada Faransiiska seddex isbuuc ka dib.

 

Champions League ayaa ah koobka kaliya ee Real Madrid rajeyneyso inay ku guuleysato xilli ciyaareedkaan, maadaama ay weli 16 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Barcelona oo hogaamineysa La Liga.

 

Real Madrid ayaa xalay guul weyn ka gaartay kooxda Real Sociedad , iyadoo Cristiano Ronaldo uu seddexley dhaliyay, halka Lucas Vazquez iyo Toni Kroos raacsadeen goolasha kale.

Tababaraha kooxda Los Blancos Zinedine Zidane ayaa ku faraxsan qaab ciyaareedka koxdiisa soo bandhigtay kulankii Sociedad, waxaana ay hadda u muuqdaan kuwo si dhaqso ah ugu soo laabteen wadada guusha ka hor kulanka ay soo dhaweynayaan kooxda Unai Emery.

 

Zidane ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa: “Waxaan u ciyaarnay qeybta hore si xoogan, waxaan helnay natiijo wanaagsan xilligii nasashada.

 

“Waxa ay aheyd 45 daqiiqo oo heer sarre ah, kulan fiican iyo fursado iyo goolal, Waan ku qanacsanahay awooda ay muujiyeen ciyaartooyda.

 

“Hada waa waqtigii aan si fiican u nasan lahaa, ka dib waxaan bilaabi doonaa inaan ka fekero kulanka Champions League.

 

“Waxaan dhamaanteen diyaar u nahay ciyaarta arbacada, waana arinta ugu muhimsan ee nahor taala ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Zidane ayaa dareensanaa in weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo oo 23 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan awoodiisa kusoo bandhigi doono ciyaarta PSG.

 

“Waan ognahay inuu mar walba doonayo inuu gool dhaliyo islamarkaana abuuro fursado,” Zidane ayuu yiri Zidane.

 

“Xalay waxa uu dhaliyay seddex gool, waana run in PSG ka taxadareyso isaga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here