Falanqeynta Kulanka Chelsea vs West Bromwich Albion – Giroud Oo Kusoo Bilaaban Kara

0

Chelsea ayaa ku marti galineysa kulan katirsan horyaalka Premier League kooxda West Bromwich Albion garoonka Stamford Bridge.

 

Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa kujirta bilowgeedii ugu xumaa sannadka 2018, iyagoo ku guuldarreystay inay badiso siddeed kamid ah 10 kulan oo oo ay ciyaareen, waxaana cadaadisn wajahaya tababare Antonio Conte.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

 

SAACADA: 11:00 PM

 

MAXAA CUSUB?

Pedro oo dhaawac jilibka ah ku seegay kulankii kooxdiisa 4-1 kaga badisay Watford, ayaa laga yaabaa inuu seego markale ciyarta caawa, halka Alvaro Morata uu weli la dhibtoonayo dhaawac.

 

Tababare Conte ayaa kusoo bilaabi doona weerarkiisa saxiixa cusub ee Olivier Giroud, oo kaliya ciyaaray 25 daqiiqo kulankii Vicarage Road, halka Eden Hazard iyo Willian ay taageeri doonaan.

 

Tiemoue Bakayoko ayaa ganaaxan kadib markii uu casaan qaatay kulankii ugu dambeeyay, halka Cesc Fabregas uu dib ugu laabtay kooxda Chelsea.

 

Daafaca reer Spain ee Marcos Alonso ayaa dib ugu soo laabatay dhaawac uu ku seegay ciyaartii u dambeysay, iyadoo lagu wado inuu ka qeyb noqdo xulashada tababaraha Italy.

 

Ciyaartoyda soo booqaneysa, Alan Pardew ayaa doonaya inuu doorto Grzegorz Krychowiak iyo Kieran Gibbs ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen dhawaan, laakiin Jonny Evans ayaa weli shaki ku jiraa.

 

Kooxda martida ah waxa ay dib u heli doontaa Hal-Robson Cannon iyo Jake Livermore, inkastoo Nacer Chadli iyo James Morrison ka maqan yihiin safarka kooxdoodu ku tageyso galbeedka London.

 

Jay Rodriguez iyo weeraryahankii hore ee Chelsea Daniel Sturridge, ayaa diyaar u ah in ay kusoo bilowdaan ciyaarta caawa ka dhaceysa Stamford Bridge.

 

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa 4-0 ku soo badisay bishii November, iyadoo goolal ka heshay Morata, Alonso iyo Hazard.

 

West Brom ayaa laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Chelsea.

 

West Brom guusha kaliya oo ay ka gaareen Chelsea ayaa timid bisha May 2015kii, markaasoo Saido Berahino laba gool ka dhaliyay Blues kulan casaan loo taagay Fabregas.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Luiz, Rudiger; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Willian, Giroud, Hazard

 

West Bromwich Albion:Foster; Dawson, McAuley, Hegazi; Phillips, Krychowiak, Barry, Brunt, Gibbs; Sturridge, Rodriguez

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here