Wararkii ugu danbeeyay dagaal Ciidamo ka wada tirsan DF ku dhexmaray Muqdisho & Khaasaraha ka dhashay

0

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ayaa maanta ku dagaalamay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta ay isku dayeen in ay Hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidamo milateri ah oo ku sugnaa nawaaxiga Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Illo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhacay halka loo yaqaano Barxadda Waxool oo ka tirsan degmadaasi Dharkenley.

 

Inta la xaqiijiyay waxaa Iska hor imaadkaasi ku Geeriyooday 1 Askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa 6 Qof oo kale oo 2 ka mid ah ay ahaayeen Askartii ku daagaalamay halkaasi.

 

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

 

Mana jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay mas’uuliyiintu ka bixiyeen dagaalkaasi.

 

Inta badan waxaa M/ Muqdisho ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS, kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaarto dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here