Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad uga duwan dowladihii hore ee dalka soo maray ayaa hadda waxaa la shegayaa iney fashil wajahayso haddii aanay iska qaban Shan qodob oo hadda jira.
Qodobadan ayaa muujinaya in dowladda Farmaajo god gasho iyadoo dadkana laga yaabo iney dowladda qodobadan kaliya u nacaan.
Qodobada ayaa kala ah:
1- Awood Sheegasho
2- Raaligelinta cid walbo xitaa danta dalka haddii aanay ku jirin
3-Ballamada aan fulin welina sii socda
4- Amniga oo ficilkii lagu bedalay hadal
5- Wasiirada qaar oo shaqadoodii ku bedalay fadhi ku dirir
Dowladdan ayaa ah sida la sheegay midda la xisaabtanka, lana doonayo in dalkaan ay ka bixiso xaaladda iminka uu ku sugan yahay.