XOG: Beelaha Mareexaan & Murunsade oo dhameeyay khilaaf hareeyay MD Farmaajo & RW Kheyre oo..

1

Warar laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre uu yara qafiifay markii ay dhex geleen Xildhibaan iyo Siyaasiyiin caan ah.

Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa salka ku hayay Arrimo dhowr oo ay uga darneyd qalab Imaaraadka uga xayirnaa Dekadda Muqdisho oo inta uu Ra’iisal wasaare Kheyre tagay ogaal la’aan ku fasaxay.

 

Arrintaasi ayaa ka sii dartay Khilaafka Labada mas’uul ee ugu sareysa dalka,waxaana hadda warar heleyso Warqaad.com ay sheegayaan in xaalada yara qaboobday,islamarkaana inta badan xalinteeda lagu guuleystay.

 

Xildhibaano si aad ugu kala dhow Xafiisyada Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa arinta galay waxay ku qanciyeen iney muhiim tahay in wax waliba danta ummmada Soomaaliyeed laga eego.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa loo sheegay in khilaafkooda iyo kala tagooda uu farxad gelinayo Mucaaradka ka horjeeda Dowladda.

 

Xaaladda labada mas’uul ayaa hadda degan waxay si joogta ah isku weedaarsadaan amuuraha ku soo kordha dalka iyo siyaasada ay hogaanka u yihiin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here