XOG: Haweeney miineysan oo naadineysay Hotel Jaziira oo Muqdisho lagu qabtay(Ujeedka)

0

War ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegaya in Isgoyska KM 4, ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Haweeney naadineysay Hotel Jaziira oo ay ku xirnaayeen walxo Qarxa.

Dad ku sugnaa Agagaarka KM 4,ayaa inoo sheegay in Haweeneyda oo ahayd mid aan aqoon meesha uu ku yaalo Hotel Jaziira la qabtay xilli dadka si hoose u weydiineysay halka uu ku yaalo Hotel Jaziira.

 

Hotel Jaziira ayaa ku yaalo meel aan ka fogeyn Garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Muqdiho,waxayna Al-Shabaab weerar wax ka badan labo jeer.

 

Ma jirto war madax banaan oo xaqiijinaya inkastoo xog aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Al-Shabaab qorsheynayaan iney weeraro aargoosi ka geystaan magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Canood ayaa sheegay in Shabeellaha hoose ay ku gubeen labo gaadiid oo ay ka buuxaan walxaha Qarxa kuwaasi oo uu sheegay iney ku soo jeedeen magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here