HORDHAC: Porto vs Liverpool- Reds Wali Qasaaro Kala Kulmin Kooxda reer Portugal

0

Liverpool ayaa u safreysa Portugal kulanka lugta hore ee wareega 16ka tartanka Champions League si ay ula ciyaarto kooxda reer Portugal ee FC Porto.

 

Ka dib markii laga reebay FA Cup bishii lasoo dhaafay, islamarkaana booska saddexaad ka gashay Premier League, Reds kaliya u tartameysa xili ciyaareedkaan Champions League.

 

Kooxda Jurgen Klopp ayaa heysata line-upka weerar ee ugu fiican tartanka Yurub kadib markii ay dhaliyeen 23 gool, kaliya Paris Saint-Germain ayaa ka fiican.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Estadio do Dragao

 

SAACADA: 10:45

 

MAXAA CUSUB?

 

Weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino ayaa diyaar u ah inuu FC Porto ku wajaho wareega 16ka tartanka Champions League, inkastoo shaki laga qabay xaaladiisa.

 

Kulanka Estadio do Dragao ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay Liverpool wareega isreebreebka tartankaan ciyaarto tan iyo xili ciyaareedkii 2008-09.

 

Waxay 23 gool ka dhaliyeen marxalada Group-ka tartankaan, wadar ahaan kaliya Paris St-Germain ayaa ka badan.

 

Goolhayaha kooxda Liverpool Loris Karius ayaa markale kusoo bilaaban kara shabaqa kadib qaab ciyaareedka niyad jabka leh ee Simon Mignolet,

 

Xiddiga khadka dhexe Emre Can ayaa ganaax ku maqan, halka daafaca Joe Gomez uu la safray kooxda ka dib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdisa sabab la xiriirtay dhawac jilibka ah.

 

Daafaca 75 milyan oo ginni ugu soo biiray Reds ee Virgil van Dijk ayaa u muuqda mid kulankiisii ugu horeyay Yurub u ciyaaraya Liverpool.

 

XAQIIQADA KULANKA

 

Porto´s Spanish goalkeeper Iker Casillas sits on the banch during the UEFA Champions League group G football match RB Leipzig v FC Porto in Leipzig, eastern Germany on October 17, 2017. / AFP PHOTO / ROBERT MICHAEL (Photo credit should read ROBERT MICHAEL/AFP/Getty Images)

Liverpool ayaan laga badinin afar jeer oo ay ku wajahyday ciyaaray tartamada oo dhan kooxda Porto, Labadii kulan ee Portugal ay kusoo ciyaartay waxa ku dhameysatay barbaro.

 

Kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega isreebreebka tartamada Yurub waxay wareegga quarter-finalka UEFA Cup kusoo ciyaareen Portugal xili ciyaareedkii 2000-01.

 

Porto ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Champions League marxaladaan oo kale ay kasoo muuqdatay.

 

Porto ayaa gaartay wareega isreebreebka Champions League xilli ciyaareedyo isku xigta waa markii ugu horeysay tan iyo 2009/10.

 

Ma aysan usoo baxin wareega quarter-finalka tan iyo markii ay tartankaan qaadeen sannadki 2004kii.

 

Liverpool ayaa ka mid ah afar kooxood oo aan laga adkaan xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, waxaana la wadaagaya rikoorkaas kooxaha Barcelona, Besiktas iyo Tottenham.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

Porto: Sa; Marcano, Telles, Paredes, Ricardo; Herrera, Danilo, Andre, Brahimi; Marega, Aboubakar.

 

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Moreno;  Henderson, Wijnaldum, Oxlade-Chamberlain; Salah, Mane, Firmino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here