XOG CUSUB:-Kaalin intee Dhan ayuu ku leeyahay Qalbi Dhagax Shirka Dhexmaraya Itobiya Iyo ONLF

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaraya xafiiska shabakada wararka Xoghoose.com ayaa sheegayan in wadahadalka uga socda Nairobi Dowlada itobiya iyo jabhada ONLF uu marayo meel wanaagsan.

Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in shirka u socda iyaga iyo itoobiya uu marayo meel fiican kaaso lagu wado inuu soo gabagaboobo saacadaha soo socda.

Warar kale oo aan ka helnay ilo ku dhaw dhaw ONLF ayaa sheegaya in wadahadaladan uu fududeeyay C/kariim Qalbi dhagax oo sanadkii lasoo dhaafay dowlada somaliya ay u gacan galisay dowlada itobiya.

mahan wadahadalkii ugu horeyay ee dhexmara ONLF iyo dowlada itobiya ee waxaa jiray wadahadalo horay dhexmaray oo aan laga guul gaarin,balse hada waxaa laga qaba rajo wanaasgan iney kasoo baxdo wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac oo war saxafadeed laga soo saari doono sida uu xaqiijiyay afhayeen Hirmooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here