Muxuu Filayaa Arsene Wenger Ka Dib Guuldarradii Labaad Ee Kasoo Gaartay Man City Shan Maalmood Gudahood?

0

Sida ugu hooseysay ayay kujirta Arsenal Horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan, waxaana ay guuldaro kale kasoo gaartay Manchester City shan maalmood gudahood.

City ayaa Emirates Stadium kubadisay 3-0, waxaana ciyaartaan saameeyay cimilada magaalada oo aad u xumeyd, waxaa jiray xitaa tobanaan kun oo kursi oo faaruq ahaa.

BBC Sport ayaa soo bandhigtay waxa xiga Arsenal kadib guuldarooyinkii Wembley iyo Emirates Stadium oo yimid shan maalmood gudahood.

Gunners oo ku guuleysatay seddex horyaal oo Premier League ah sideedii xili ciyaareed ee ugu horeysay shaqada Arsene Wenger, ayaa haatan wax horyaal ah qaadin 13kii sanno ee ugu dambeeyay.

Arsene Wenger ayaa kadib 2004tii isku dhafay awooda kooxdiisa, iyadoo Qof kasta uu ogsoon yahay in kubadda cagta Ingiriiska ay kusoo kordheen kooxo isticmaalaya awood dhaqaale si ay uguuleystaan.

Gunners ayaa dooneysa inay soo idleyso musalsalka taxana ah ee Arsene Wenger kuleeyahay Arsenal tan iyo October 1996kii.

Wenger ayaa sidoo kale ku adkeysanaya inuu heysto weli fursad uu kusoo kabsan karo ilaa inta laga gaarayo waqtiga uu ku egyaahy qandaraaskiisa kooxda.

Arsenal ayaa xagaagii lasoo dhaafay qandaraas cusub oo labo sanno ah siisay tababaraha France, taasoo keeneysa in macalinkaan uu kooxda baaqi kusii ahaado ilaa sannadka 2019ka.

LONDON, ENGLAND – FEBRUARY 25: Granit Xhaka, Laurent Koscielny, Aaron Ramsey and Pierre-Emerick Aubameyang of Arsenal look dejected during the Carabao Cup Final between Arsenal and Manchester City at Wembley Stadium on February 25, 2018 in London, England. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

City ayaa aheyd mid cajiib ah habeenkii khamiista, laakiin labadii kulan ee ugu dambeysay oo min 3-0 ku garaaceen Arsenal shan maalmood gudahood waxay soo afjari karaan taliska tababare Wenger.

Wembley axadii, waxa ay si aad ah uga dhex muuqdeen labada kooxood iyo labada tababare ee Wenger iyo Pep Guardiola, kuwaasoo taatikadooda lagu kala badiyay.

Tani waxay noqon doontaa xaalada quseysa Arsenal, gaar ahaan milkiile Stan Kroenke, kaasoo si xamaasad leh u aaminay wenger tan iyo markii uu Premier League u gacan geliyay xili ciyaareedkii 2003-04tii.

Kursiga madadaalada leh ee Arsene Wenger ayaa soo idlaan doona kadib guuldaradii toddobaad ee soo gaartay labada bil ee ugu horeysa sanadkaan 2018ka.

Khatarta hadda kooxda kujirto way sii kordhi kartaa haddii aysan si dhaqso ah maamulka wax kaga badelin jadwalka shaqo ee tababare Arsene Wenger.

Xogta Laga Soo Diiwan Geliyay Guuldaradii Ugu Dambeysay Arsenal

1- Gunners ayaa guuldarro kasoo gaartay toddobo jeer tartamada oo dhan kaliya sannadkaan 2018, waana rikoork aad u liita.

2- Arsenal ayaa waxaa ku dhacay guuldaradii ugu weyneyd gurigooda horyaalka Premier League tan iyo markii 3-0 ay kaga badiyeen Coventry (1993), Middlesbrough (2001) iyo Chelsea (labo jeer garaacday 2009).

3- Tani waxay aheyd guushii ugu weyneyd Manchester City ka gaarto Arsenal tartamada oo dhan tan iyo markii ay 4-0 ku garaaceen bishii November 1912kii.

4- Arsenal ayaa haatan shabaqa ilaashan 10 kulan oo xiriir ah waa heerkii ugu xumaa tan iyo Febraayo 2002dii .

5- Tani waxay aheyd markii ugu horeysay Arsenal laga dhaliyo seddex gool qeybta hore ciyaar Premier League ah waa markii ugu horeysay tan iyo March 1989.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here