HORDHAC: Brighton v Arsenal- Gunners Oo Rajo Ka Leh Inay Kusoo Laabato Wadada Guusha

0

Brighton & Hove Albion ayaa rajeynaya inay sii wataan qaab ciyaareedkooda wanaagsan marka ay Arsenal kusoo dhaweynayaan Amex Stadium galabta.

 

Kooxda Seagulls ayaa lix kulan oo isku xiga aan guuldarreysan, waxaana laga badiyay labo kulan oo ka mid ah 16kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

 

Arsenal ayaa qasaaro la kulantay saddex kulan oo xiriir ah, waxaana cadaadis xoogan uu saaran yahay tababarahe Arsene Wenger iyo ciyaartooydiisa.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Amex Stadium

 

SAACADA: 4:30 PM

 

MAXAAA CUSUB?

Glenn Murray ayaa mar kale dib u bilaabi doona ololihiisa Brighton, halka Jiri Skalak, Steve Sidwell iyo Izzy Brown dhamaan la heli karo ciyaarta galabta.

 

Gunners, waxaa ka maqan Alexandre Lacazette, halka Sead Kolasinac oo bedeli doono daafaca dhaawacan ee Nacho Monreal.

 

Jack Wilshere ayaa la rajeynayaa inuu kasoo kabsado dhaawac yar oo uu ku seegay kulankii ugu dambeeyay, halka Santi Cazorla uu la dhibtoonayo weli dhaawac canqowga ah.

 

XAQIIQADA KULANKA

Brighton ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay kula ciyaareen gurigooda kooxda Arsenal, inkastoo anay garaacin tan iyo September 1982.

 

Arsenal ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Brighton, waxaana ku jira labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen kooxda ku ciyaarta Amex Stadium markaasoo ay ku garaaceen tartanka FA Cup 2013 iyo 2015.

 

Gunners ayaan laga badinin 34 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen kooxaha dhawaan soo dalbaday.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

Brighton : Ryan; Schelotto, Duffy, Dunk, Bong; Stephens, Gross, Propper, Izquierdo, Knockaert; Murray.

 

Arsenal: Cech; Kolasinac, Koscielny, Mustafi, Bellerin; Xhaka, Ozil, Mkhitaryan, Ramsey, Welbeck; Aubameyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here