HORDHAC: Manchester City v Chelsea- Sky Blue Oo Isha Ku Heysa Hanashada Premier League & Blues Oo Guul U Baahan

0

Manchester City ayaa isha ku heysa inay qaado talaabo kale oo ay ku xaqiijineyso hanashada Premier League marka ay martigelinayaan caawa kooxda Chelsea.

 

Kooxda Pep Guardiola ayaa xaqiijisay guusheedii 24aad kadib  28 kulan oo la ciyaaray markii ay 3-0 ku garaaceen Arsenal, waxaana ay u baahan yihiin kaliya shan guul oo isku xiga si ay u xaqiijiyaan hanashada horyaalka.

Dhanka kale, Antonio Conte ayaa u baahan inuu kusoo laabto kaalinta 4aad ee horyaalka, ka dib natiijooyin xun oo kooxdiisa ka tuuray kaalinta shanaad.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Etihad Stadium

 

SAACADA: 07: 00 PM

 

MAXAAA CUSUB?

Fernandinho ayaa seegi doona kulankaan kadib dhaawac muruqa kasoo gaaray, laakiin Raheem Sterling ayaa la rajeynayaa inuu soo laaban karo.

 

Kyle Walker ayaa diyaar ah, laakiin Fabian Delph ayaa ku maqan weli ganaax, iyadoo Benjamin Mendy dhaawacan yahay.

 

Ross Barkley ayaa diyaar u ah inuu mar kale kasoo muuqdo kooxda Chelsea ka dib dhaawaciisa, laakiin waa inuu helaa kalsoonida tababare Conte.

 

David Luiz iyo Tiemoue Bakayoko ayaa labadoodaba dhaawac ku maqan, halka Alvaro Morata uu ka welwelsan yahay dhabaato dhaawac yar ah.

 

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa ku badisay 3-1 xilli ciyaareedkii hore, laakiin ma aysan ku guuleysanin kulamada horyaalka ay ku ciyaarto Etihad Stadium tan iyo markii ay afar jeer ku badiyeeen intii u dhaxeysay 2005 iyo 2008.

 

Man City ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaareen Blues.

 

Man City ayaa badisay 13kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, iyagoo ugu yaraan laba jeer shabaqa soo taabtay shabaqa.

 

Chelsea ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti aheyd, lagama badin seddex kulan oo isku xigta iyagoo marti ah tan iyo bishii March 2013kii.

 

Sergio Aguero ayaa dhaliyay shan gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League uu kula ciyaaray kooxda Chelsea.

 

Eden Hazard ayaa sideed gool ku lug lahaa sideedii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid Manchester City tartamada oo dhan (4 gool isagaa dhaliyay, 4 waa caawiyey).

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

Man City: Ederson; Walker, Otamendi, Kompany, Danilo; Gundogan, D. Silva, De Bruyne; Sane, Aguero, Sterling.

 

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Alonso, Moses, Kante, Hazard, Fabregas, Willian; Giroud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here