Real Madrid oo wadadii guulaha dib ugu soo laabatay xilli Ronaldo uu laba gool dhaliyay.

0

Real Madrid ayaa wadadii guulaha dib ugu soo laabatay kadib markii ay si weyn guul uga gaartay Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxeyna ka dhigan tahay iney kooxda soo jartay farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.

 

Labada kooxood haatan waxaa u dhaxeeya kaliya 12-dhibcood, balse Barcelona waxey heysataa kulan ay la ciyaareyso Atletico Madrid habeen dambe waana kulan ka dhici doona Camp Nou.

 

Real Madrid waxey sadexda gool ka kala heshay Gareth Bale & Cristiano Ronaldo halka goolka qura oo ay heleen Getafe uu dhaliyay Francisco Portillo, sadexda gool waxaa caawiyay Isco, Benzema iyo Marcelo.

 

Getafe qeybtii dambe oo dhan waxey ku ciyaarayeen 10-xidig maadaama kaarka cas la siiyay Loic Remy, Los Blancos ayaana gaartay guul weyn kadib guuldaradii Espanyol.

 

Los Blancos waxey haatan leedahay 54-dhibcodo, halka ay kaalinta 2-aad u jirto 7-dhibcood oo qura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here