Muxuu Antonio Conte Ka Yiri Falsafadii Uu Isticmaalay Kulankii Manchester City? Muxuuse Ku Tilmaamay City?

0

Antonio Conte ayaa difaacay qaab ciyaareedkiisa xun kadib guuldarradii Manchester City, isagoo sheegay in Chelsea ay guuldarreysatay kaliya iyadoo fiican.

 

Kooxda heysata horyaalka ayaan adeegsan weeraryahan toos ah, iyadoo markale uu u isticmaalay tababaraha Eden Hazard lambarka 9 aad ee beenta ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ma aysan sameyn hal kubad oo bartilmaameed ah qeybta hore kulankii xalay, laakiin falsafadaas waxaa difaacay tababare Antonio Conte.

 

“Waxaan qabaa xilligan inay adag tahay in lala ciyaaro Manchester City, Waxay muujinayaan inay yihiin koox aad u xoogan badan.

 

‘Aad ayay u adag tahay inaad iyaga la ciyaarto, Xilligan waxa ay awoodaan inay dhaliyaan seddex, afar ama shan gool ayuu yiri Conte.

 

Conte ayaa difaacay xeeladiisii, isagoo hoosta ka xariiqay in ay yihiin City narkasta koox xeelad iyo maskax leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here