Walaalka Lionel Messi Oo Markii Labaad Xabsi La Dhigay Saddex Bilood Gudahood- Maxaa Loo Heystaa?

0

Walaalka LIONEL MESSI ayaa la xiray markii labaad muddo saddex bilood ah ka dib markii uu shil baabuur ku galay dalka Argentine.

 

Matias Messi, oo 35 jir ah, ayaa la qabtay kadib markii darawalkii watay gaariga uu isku dayay inuu dhibaateeyo sida bilayska sheegeen.

 

Walaalka Lionel Messi ayaa lagu xiray saldhiga bilayska oo ku yaala magaalada Pinamar oo ah meel u dhow goobta uu ka dhacay shilka.

 

Booliska ayaa sheegay in wax hub ah aan laga helin gaari uu watay walaalka Messi, inkastoo warbixinnada maxalliga ah ay sheegayaan in muqaadaraad ay isticmaalayeen.

 

Hore booliska ayaa ugu eedeeyay walaalka Messi ninka lagu magcaabo Matias fal dabi la xiriiray inuu isticmaalayay hub sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here