Xiddiga Katirsan Chelsea Oo Cadeeyay Inuu Wadahadal Dhaxmaray Wakiilkiisa Iyo Manchester United

0

WILLIAN ayaa shaaca ka qaaday inuu jiray wadahadalo dhex maray wakiilkiisa iyo kooxda Manchester United xagaagii lasoo dhaafay.

 

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa Chelsea kujira, isagoo dhaliyay gool muhiim ah xili ciyaareedkaan.

 

Waxa uu xiddiga ka dhaliyay gool muhiim ah kooxaha Manchester United iyo Barcelona kulamadii ugu dambeeyay Champions League iyo Premier League.

 

Jose Mourinho ayaa ku faraxsan inuu markale la shaqeeyo xiddiga garabka ka ciyaara, kaasoo uu macalin ugu soo ahaa kooxda Chelsea.

 

Mourinho ayaa Willian kala soo wareegay kooxda ka dhisan Russia ee Anzhi Makhachkala sannadkii 2013kii.

 

Willian

 

Tababaraha reer Portugal ayaa amaanay ciyaaryahankiisii hore, isagoo yiri: “Ma waxaad dooneysaa inaad ka hadasho Willian? Waa mid cajiib ah.

 

Warar xan ah ayaa sheegaya in 29 jirkaan uu Blues ka tagi doono islamarkaana uu kula midoobi doon Mourinho garoonka Old Trafford.

 

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa meesha ka saaray wararkaan, isagoo ballan-qaaday inuu mustaqbalkiisa markasta yaalo kooxda Chelsea.

 

Laakiin waxa uu qiray in wadahadal uu dhaxmaray wakiilkiisa iyo kooxda Manchester United xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here