Crystal Palace oo gool ku hogaamineysa kulanka ay Selhurst Park kula ciyaareyso Man United.

0

Crystal Palace ayaa hogaanka u heysa kulanka xiisaha leh oo ay garoonkeeda Selhurst Park kula ciyaareyso Manchester United, waxeyna goolka qura ka heshay xidigeeda reer England Townsend.

 

Kulanka wuxuu ku bilowday si xamaasad leh, wiilasha Roy Hogdson oo kaashanaya jamaahiirtooda ayaana bilaabay iney cadaadis xoog leh saaraan, halka Red Devils wiilasheeda ay u muuqdeen kuwa jahawareersan oo aan sixi karin is fahamkooda.

 

Andros Townsend wuxuu shabaqa dhex dhigay gool daqiiqadii 11-aad, inkastoo kubadda ay ku dhacday Lindelof, sidoo kalana qataro badan ayey galiyeen goolka De Gea.

 

Red Devils waxaa halis abuuray Sanchez oo kubad madax ah goolka ku beegsaday balse goolhayaha ayaa ka diiday.

 

qeybta hore kulanka wuxuu ku dhamaaday 1-0, oo ay ku hogaamineyso Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here