HORDHAC: Liverpool vs Porto- Reds Oo Lug Kula Jirta Quarter-Final-ka Champions League

0

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuu kaliya labo ama seddex isbedel ku sameyn doono kooxda Liverpool kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League la ciyaareysa caawa FC Porto.

 

Kooxda ka dhisan Premier League ayaa xooga saari doonta sidii ay ku gaari laheyd wareega 8da ka dib markii ay lugtii hore 5-0 ku badiyeen.

 

Klopp ayaa sheegay inuu sameyn doono seddex isbeddel marka laga hadlayo shaxdii wajahday Newcastle Sabtidii, xili Manchester United uu ku booqan doono Old Trafford horyaalka Premier League isbuuca dambe.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Anfield

 

SAACADA: 10:45 PM

 

MAXAA CUSUB?

Wijnaldum iyo Ben Woodburn ayaa laga yaabaa inay ciyaaraan ka dib markii ay seegeen kulankii sabtidii Reds 2-0 ay kaga badiyeen Newcastle sabab la xiriirtay xanuun.

 

Nathaniel Clyne iyo Adam Lallana ayaa sidoo kale laga yaabaa inay fursad ka helaan shaxda koowaad caawa.

 

Tiquinho Soares, Moussa Marega iyo Alex Telles ayaa dhamaantood seegi doona kulanka Porto ka dib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen kulankii Sporting Lisbon ee jimcihii.

 

XAQIIQADA KULANKA

Ma jirto koox ku guuleysatay in ay kasoo noolaato 5-0 ah oo lugta hore looga badiyay gurigeeda tartanka Champions League.

 

Liverpool ayaan laga badinin shan jeer oo ay wajaheen tartamada oo dhan kooxda FC Porto (W3 D2).

 

Liverpool ayaa kamid ah seddex kooxood oo aan laga badin xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, waxaana la wadaaga Barcelona iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here