Jose Mourinho Oo Ku Faraxsan Go’aankii Klopp Kaga Badbaaday Casaan Loo Taago Kulankii Old Trafford

0

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa difaacay go’aankii Jurgen Klopp ka dib markii macalinka Liverpool uu ka badbaaday go’aan looga saari karay garoonka.

Tababaraha Jarmalka ayaa ka badbaaday inuu casaan u taago garsooore Craig Pawson, laakiin Mourinho ayaa amaanay go’aanka garsooraha.

“Malaha ma fileysid jawaabteyda, waan ku faraxsanahay go’aanka,” Mourinho ayaa sidaasi u sheegay wargeysyada Ingiriiska.

“Sababtoo ah Klopp ma uusan la hadlin garsooraha, wuxuu ka careysnaa ciyaaryahanadiisa, sidoo kale aniga ayay igu dhacday arintaas oo kale kulankii Crystal Palace.

“Waxaan qabaa in Craig Pawson uu ku saxnaa go’aankiisa, waan arkay Klopp oo aad u xanaaqay “ ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.

“Haddii aad ka baxdo aagga farsamada laba mitir – ama 20 mitir – go’aanka garsooraha waa mid adag “ayuu yiri Jose Mourinho.

Natiijada United heshay ayaa la micno aheyd in ay afar dhibcood ku qabtaan kaalinta labaad ee horyaalka, halka Liverpool ay u dhacday kaalinta afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here