Mourinho Oo Sheegay Inuusan Waligiis Saaxiib La Noqon Doonin Tababare Conte

0

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa aaminsan in isaga iyo tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte aysan weligood noqon doonin saaxiibo.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa sheegay inuusan khilaafaadkooda xal laheyn xili ay guul ka gaareen Chelsea seddex isbuuc ka hor.

Waxa uu u sheegay La Domenica Sportiva: “Ma doonayo inaan ka hadlo arintaas, muhiimadda waxa ay tahay in Antonio iyo aniga aan saxiibo aheyn.

Waxaa jiray dhibaatooyin waaweyn, laakiin waa inaan ilaawnaa oo aan cadeyneynaa in Mourinho yahay Mourinho, Conte yahay Conte.

“Waxa uu tababare u yahay Chelsea, aniga waxaan joogaa United, mana ixtiraami karno xaaladan, laakiin haatan waa inaan hore u dhaqaaqnaa.”

Mourinho ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay sida uu u arko shaqada tababarnimo ee horyaalka Italy.

“Waxaa jira tababarayaal wanaagsan, waxaa jira tababarayaal dhammaadka mustaqbalkooda la joogo, xasilooni buuxda ayaa jirta mararka qaar, Italy waxaa ka buuxa macalimiin tayo leh, waligood ma aaminaan tababarayaasha ajnabiga ah. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here