Wenger Oo Ka Walwalsan Sababta Taageerayaasha Arsenal Usoo Xaadiri Waayeen Emirates Stadium

0

Arsene Wenger ayaa qiray in Arsenal ay ku dhibtooneyso inay dib u soo ceshato kalsoonida taageerayaasheeda kadib markii ay kumanaan taageere ah maqnaayeen kulankii 3-0 kooxdooda kaga badisay shalay Watford.

Kulankii labaad ee isku xiga oo ay ku ciyaareen Emirates Stadium Arsenal ayaa lumisay kumanaan taageerayaal ah.

Arsenal ayaa ku eedeysay baraf xoog badan oo ka dhacayay garoonkooda taageerayaashii maqnaa kulankii Manchester City, laakiin ciyaartii shalay ee watford ayaa markale la waayay kumaan jamaahiir ah, taasoo murug ku ah kooxda.

Wenger ayaa qiray in aysan fahmi Karin sababta taageerayaasha Arsenal usoo xaadiri waayeen kulankii shalay ka dhacay Emirates Stadium.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo niyad jab ah, waa sida roobka England, way fududahay in la helo taageerayaal markasta oo xaalad dagan jirto,” ayuu hadalkiisa ku daray

“Dabcan aad ayaan u walwalsanahay sababtoo ah waxaan doonayaa taageerayaasha inaan ku tiirsanaano, laakiin ka dib wixii dhacay todobaadkaan waa wax la fahmi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here