Kulamada Baarlamaanka oo arin muhiim ah caqabad ku ah

0

Kadib markii ay dib u furmeen Kulamada Baarlamaanka Somaliya, ayaa furmashada kulamadaasi waxa ay caqabad ku noqotay Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho oo isu socodkooda saameyn uu ku yeeshay.

Xilliyada uu socdo shirarka Baarlamaanka waxaa gabi ahaanba la xiraa dhaqdhaqaaqa socodka rayidka wadada Sayidka oo markii horeba inyar Bulshada uga furnayd, intiina ciidanka ay sii xiraan marka Baarlamaanka ay shirayaan.

Gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka ayaa isticmaali jiray xaafadaha dhexdooda, laakiin hadda caqabada cusub ee soo korodhay ayaa noqotay in xittaa ciidamada Booliska ay gaadiidka uga daba tagaan xaafadaha dhexdooda oo ay u diidaan inay maraan.

Ciidan Boolis ah ayaa la geeyay xaafada Ceelhindi oo ku taallo Degmada Hawlwadaag, halkaasi oo gaadiidka iyo Mootooyinka ay dhexmaraan, waxaana la arkaayay shalay iyo maanta ciidamada oo dhagxaan ku jaraayay meelaha gaadiidka iyo mootooyinka ay maraan.

Dadka qaar ee Magaalada Muqdisho ku nool, ayaa qaba aragtida ah sheekada inaysan aheyn amni sugid, balse ay tahay caburin shacab, mar haddii looga daba tagay shacabka xaafadihii ay dhexmari jireen.

Dadka ku nool Magaalada ayaa qaati ka taagan ciidanka oo xiraya wadooyinka, iyadoo laamaha ammaanka ay ku sheegayaan sababta inay tahay ammaanka oo la sugaayo.

Falanqeeyayaasha dhanka ammaanka Somaliya ayaa sheegaya in dowladda Somaliya ay ku fashilan tahay ammaanka, caqabadna ay ku noqotay Bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here