SAWIRO; MD Muuse Biixi Cabdi oo ku calaan calay Turkiga & iney dhex dhexaad ka noqotay Somalia & S/land

3

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.

Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.

3 COMMENTS

  1. Diyaarad ka degtana waa in loo diidaa, ee loo sheegaa caalamka diyaaradii ka degtaa in aysan Xamar ka soo degi karin iyo meel kasta oo Somaliya ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here