WARBIXIN: Maamulka Arsenal oo durba la ogaaday tababaraha maankooda ku jira si uu badal ugu noqdo Arsene Wenger.

0

Tababare Arsene Wenger ayaa u muquda mid aan kusii nagaan doonin Arsenal xilli ciyaareedka soo aadan, waxaana durba la hadal hayaa cidda badalka u noqon doonta iyo shaqsiyaadka go’aan ka gaari kara heshiiska uu kooxda kula jiro.

Wargeyska Mirror ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa qiraya in maamulka Arsenal ay hadda maanka ku hayaan Thierry Henry inuu noqdo macalinka xiga ee kooxda lagu aamini karo.

Maamulka mar walba waxey fiirin doonaan shaqsiga ku haboon ee fahamsan wax badan dhaqanka kooxda, Henry ayaana ka tirsana muddo sideed sano ah kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Thierry Henry wuxuu heystaa khibrad fiican oo uu ugu yaraan ugu hawlgali karo Arsenal, haatan waa tababare ku xigeenka xulka qaranka Belgium-ka isagoo ka hoos shaqeeya Roberto Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here