Home WARARKA XOG: Nolosha Xildhibaano ka tirsan DF oo halis ku jirta ka dib...

XOG: Nolosha Xildhibaano ka tirsan DF oo halis ku jirta ka dib weerarkii C/Qeybdiid lagu qaaday

1

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta ka hadlay kullan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ayaa waxay sheegeen in mar haddii xog dhameystiran laga heyn weerarkii C/qeybdiid lagu qaaday lana soo qaban dadkii ka danbeeyay iyagana ay ka cabsi qabaan in sidaasi oo kale loo weeraro madaxda Dowladana iska indho tiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xildhibaanada qaar feejignaan ay kaga jiraan weerar lagu soo qaado oo kaga yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya,maadama weerarkii Senator C/qeybdiid ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliya oo tababar ka helay Imaaraadka carabta.

Sen. Cabdi  Xasan   Cawaale qaybdiid ayaa maanta kulanka golaha aqalka sare ka sheegay in ciidamada weeraray Gurigiisa la siisay amar qaldan oo ah in Gurigiisa lagu tuhunsanaa in uu ku jiro Ninkii ka danbeeyey Qaraxii 14 October.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray  bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here