Yaa xilka haya marka uu Waqooyiga Kuuriya ka maqan yahay Hogaamiye Kim Jong-un?

0

Iyadoo indha caalamku ay hayaan shirka ay yeelanayaan Trump iyo Kim, haddana wax badan lagama oga cidda Kuuriyada Waqooyi ka talisa marka uu dalka ka maqan yahay hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un, sida ay sheegayaan saxafiyiinta qaybta warqabadka ee BBC.

Kim ayaa ka dagay Singapore 10kii bisha Juunyo isaga oo ay weheliyaan walaashii Kim Yo-jong oo aad u saamayn badan iyo ninka gacantiisa midig ah ee Kim Yong-chol.

Balse arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in uu ka soo tagay Kim Yong-nam oo ah hogaamiye maamuuseed sagaashan jir ah iyo Choe Ryong-hae oo xubin sare ka ah Pyongyang kaas oo ay u badan tahay in uu xilka sii hayo.

Dhinaca kale Dawladda Shiinaha ayaa ammaantay shirka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, iyada oo ku tilmaantay arrin taariikhi ah.

Xaqiiqada ah in labada hogaamiye “ay is horfariisan karaan ayna wadahadal siman yeelan karaan ayaa leh ahmiyad isla markaasna hor u socodnimo ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi.

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Beijing ay ku baaqayso in si dhamaystiran gacanka Kuuriya looga tirtiro hubka nukliyeerka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here