Wiil Dhalinyaro Ah Oo Tooreey Caawa Lagu Dilay Xaafad Ka Tirsan magalada Muqdisho

0
77

Dilka wiilkaan dhalinyarada ah oo loo adeegsaday Toorey(Midi) ayaa waxaa uu Caawa ka dhacay Xaafada Dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid sida ay  sheegeen dad goobjoog ka ahaa xilliga dilka uu dhacayey.

Dilka ayaa yimid kadib markii Wiilka Dhalinyarada ah uu eryaday rag burcad ah oo dadka ku nool Xaafada Dabaqeynka ay badi Caawa eryanayeen balse Tuugada oo sida la sheegay laba rag ah ahaa ay kusoo jeesteen Wiilka,kadibna ay tooreey la dhaceyn.

Mid ka mid ah dadka degan Xaafada dabaqeynta ee degmada Yaaqshiid,isla markaana goobjoog ka ahaa dhacdadaas ayaa sheegay in Wiilka dhalinyarada ah oo Magaciisa lagu sheegay Mascuud uu u geeriyooday dhaawac ay tooreyda ugu geysteen kooxihii burcada ahaa.

Wararka ugu dambeeya aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in labadii qof ee burcada ahaa ee tooreyda ku dilay Wiilka dhalinyrada ahaa ay baxsadeen,isla markaana dadka degan xaafada aysan ku guuleysan in ay gacanta kusoo dhigaan.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa mararka qaar waxa ay ka dhacaan degmooyinka Gobolkan Banaadir wallow aysan aheyn kuwo saas u badan,waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli dadka ku nool Xaafada dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid ay ka cabanayeen kooxo burcad ah oo mararka qaar dhac u geysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here