XOG CULUS: Imaaraadka oo Qalbi Dhagax usoo Bandhigay inuu Noqdo Wakiilkooda Somalia

0
153

Warar hoose oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay dooneyso inay Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax u isticmaasho carqaladeynteeda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wakiilo ka socda Dowlada Imaaraadka ayaa la ogaaday inay Qalbi dhagax kula kulmeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo loogu bandhigay inuu noqdo Wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo hada uu ugu sareeyo Ra’iisul wasaaraha hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.

Dowlada Imaaraadka waxay fahamsan tahay in Qalbi dhagax uu taageero badan ka heysto Shacabka Soomaaliyeed sidaas awgeedna uu baahi u qabo cid ku taageerta ololahiisa ka dhanka ah Dowlada Soomaaliya ee u gacan galisay Itoobiya uu doonayo inuu ka aargoosto.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Qalbi dhagax uusan wali aqbalin arrintan isla markaana uu u sheegay Wakiilada Imaaraadka inay kulan kale qaadan doonaan waliba marka uu kasoo dhamaado safaro uu doonayo inuu kusoo kala bixiyo guud ahaan Magaalooyinka ugu waa weyn dalka.

Si kastaba ha ahatee Cabdi kariin Sheekh Muuse ayaa khudbad qiiro laheyd uu jeediyay wuxuu ku cadeeyay in Dowlada Federaalka uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ula dhaqantay si fool xun isagoona shacabka kaga mahad celiyay taageerada ay siiyaan wuxuuna cadeeyay Barmaamij siyaasadeedkiisa inuu kusoo bandhigi doono Khudbad uu dhawaan jeedin doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here